uddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Meles Zenawi:- Isagaa mas’uul ka ahaa dhibaatada Soomaaliya

Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee barlamaanka dalka kenya waa Siyaasiga Soomaaliyeed ee Faraax Macalin ayaa kahdlay geerida Ra’isul Wasaarihii hore ee Dalka Itoobiya Malez Zanawi.

Faarax Macalin ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay Barlamaanka Cusub ee Soomaaliya isagoo sheegay in uu rajaynayo in wax badan ay kabadali doonaan xaaladda Soomaaliya.

Waraysi uu bixiyay ayaa Faarax Macalin waxaa uu sheegay in Geerida Malez Zanawi ay saameyn xoogan ku yeelan doonto Wadamada Bariga afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Faarax Macalin ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta Soomaaliya uu masuul ka ahaa Malez isagana uu ahaa qofkii abuuray ama aas aasay Al-Shabaab-ka ay haatan kula dagaalamayaan Shabaab.

Waxaa sidoo kale uu faah faahiyay dagaalkii ay Itoobiya kula jirtay midowga Maxkamadaha Islaamiga ah, isagoo tilmaamay in xiligaas ay ahayd markii ay Itoobiya qasaaro xoogan ugaystay dad shacab ah.

Hadalka Faarax Macalin ayaa imaanaya xili ciidamada Itoobiya ay wali ku jiraan gudaha Soomaaliya iyagoo la dagaalamaya Shabaab-ka Soomaaliya.

———————–

I loved words. I love to sing them and speak them and even now, I must admit, I have fallen into the joy of writing them.Prof.Ibrahim