Geerida Meles iyo guddoonka Geeska Afrika

zenawi-11
Wednesday 19 September 2012 – “Geeri nimaadan aqoon iyoo Geel jire ayey ku fiican tahay” bay Soomaali tiraa, mar kale waxay dhahaan: “Geeri Nacab waa Gallad Guulle ku deeqay” in qof walba maalin leeyhahay ka sokow, waa kii Abwaanku yiri:

“Waa lagu digtaa ruux haduu kuu darnaan jiraye”

Hurdo baan isu diyaarshay, habeenku waa seqdhexe, goor sheegtu waxay ka gudubtay kala barka allaykii, sida caadada ii ah, inta aanan dhinaca dhulka dhigin, waxaan eegaa wararka dalka iyo dibadda, waxaanna booqdaa Social network-ga, ee la isku dhaafsado farriimaha goosgooska ah.

Haddaanba furay, wixii ugu horreeyey ee ay ishaydu qabatay waxay ahayd geerida Meles oo la xaqiijiyey, waa meeshi laga dhihi jiray: “Nabar aad filaysay naxdin ma leh!” hadduu dhiillo ku haysay kaa dhaadhicinayana maba ku sii jirto.

Ugu horrayn, labada dawladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia isku sanad ayey xil gabeen, mid waxaa ka dhacay lama arag iyo lama maqal, sidii inaan Geel kala dhacayno ayaan ku soo qamaamnay xaruntii dalka, ma jirin qorshe aan ka ahayn in la rido Maxamed Siyaad Barre “Afweyne” Rajiimka dalka cuuryaanshay, lama kala roonaan, isna wuxuu dib u soo qaaday dagaal, adba dib u xasuuso: “Dagaalkii Xadka iyo Xawaraaha!” iyo oraahdii ahayd: “Ruug caddaagii soo rogaalceli!”dalkiina u horseeday dagaal sokeeye, intii isaga ka daba martayna dib ayey isu ruugeen!

Dhanka kale, Ethiopia waxaad moodday in uu dhacay is badal dabiici ah, wax walba sidii loogu talagalay ku dhaceen, maamul meesha laga saaray iyo madax carartay, maamul cusub iyo wajiyo hor leh, sidaa lagula kala wareegay awooddi, hubaal in Reer Galbeed Soomaaliya la maagganaayeen dibir xun, iyagoo mar walba niyadda ku hayaDagaalkii 1977.

Hadduu xilka qabtay waa Melese, xarbi badan ka dibna xasiliyey Ethiopia, isagoo xoog iyo xeeladba ka helaya Reer Galbeedka. Dhanka kalem, waxaa geeriyooday Geesigii Geeska Afrika Gen. Maxamed Faarax Caydiid, aanba dhaho Geesiga Qaaradda Madow iyo inta diiddan Embreyaaliyadda Maraykanka.

Geeridaa Gen Caydiid, Meles waxay u ahayd gudub ku aaddanaa oo meesha ka baxay, bilo ka dib waxay Ethiopia gudaha u soo gashay Soomaaliya, dabcan, iyadoo taageero ka haysta beelaha deegaanka, si ay u baacsato Alshabaabtan – Altixaadkii hore, Maxkamadihii hore, iyo Alictisaamka hadda -iminka dalka iyo dadka dulliyeystay.

Meles maalintaa sidii uu Soomaaliya u soo galay, maalin ma moogaan, waxayba u noqtay wadiiqo joogta ah ee uu ku diqdiqeeyo, illeen wixii yac ka dhihi lahaa ama uu uga baqayey meeshaba ka bexe, ee dawlad, darajo iyo dadba lahaa, mar walba Meles wuxuu taageero ka halayey laba qolo oo Soomaalida ka mid ah, oo kala ah:

  1. Qabqablayaashii iyo Dagaal oogayaashii wadanka jiho u diiday, ee isugu jira Shibil iyo Ciidan, oo mar walba dabada la gali Jiray Meles, kuwani waxay si toos ah oo u taabacsanaayeen Meles iyo tusmooyinkiisa ku aaddan Soomaaliya.
  2. Wadaad xumayaal: magacyo badanayaal, Alitixaad, Maxkakamadihii, Alshabaab, dhammaanse isugu imaanaya ARGAGIXISO, iyagu taageeradoodu waxay ku imaanaysay si dadban, sababtoo ah mar walba waxay ku kacaan falal Xabashida u horseeda inay ku soo dhirradaan wadanka, marmarsiyihii ugu weyn ee dullaankii 2007-dii saw ma ahayn, ilaalinta ammaanka Ethiopia? Bal sii goob qormadii ahayd: “Qabsataye ma Qaramayn kartaa?!” marka waxay mar walba horudhac u yihiin in Ethiopia soo gasho wadanka.

Inta aanan ku sii dheeraan sida gurracan ee Meles ugu xadgudbay Soomaaliya dal iyo dadba, waxaa laga maarmaan ah in wax yar aan ka iraa dagaalkii dhex maray Ethiopia iyo Eretria inta u dhexaysay 1998-2000, ee ka dhacay xadka labada dal u dhexeeya, oo ka dhashay muran dhuleed labada dal u dhexeeyey, markii dambase loo xukumay Eretria kulan ka dhacay wadanka Algeria.

Meles wuxuu is bahaysi la galay wadamada Sudan iyo Yemen, heshiis loogu magac daray “Kulankii Sanca’” oo ujeedkiisu ahaa sidii lagu wiiqi ahaa awoodda dawladdda yare ee Eretria, labada dal ee Yemen iyo Sudan ayaa marar badan wakiil uga noqday Meles arrimaha Soomaaliya, Yemen waxay gogol dhexdhexaadin ah u fidisay Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Shariif “Sakiin” Guddoomoyihii hore ee Baarlamaanka, kulankaa oo loogu yeeray “Kulankii Dollarka”.

Sidoo kale, dawladda Sudan ayaa iyaduna wakiil uga ahyad shirkii dhacay dabayaaqadii hilaadintii 2006-dii, fashalka shirkaa ku yimid wuxuu ka dhignaa nal cagaaran oo Xabashi loo siiyey sidii ay u gali lahayd wadanka, dabcan eedda inteeda badan waxaa isa lahaa Wadaadadii Waallida Waday “Maxkamadihii” oo haddii aysan shuraadaha adag la iman lahayn wax lagu heshiin lahaa, balse, ayaan darro laba sano ka dib, ayey oggolaadeen markii dalkiina la sii burburshay dadkiina la sii xasuuqay.

Meles wuxuu ahaa madaxa rasmiga ah ee ka talin jiray wadanka gees ka gees, deegaanka Koofurta yuuba wakiillaba ku lahaa baa la dhihi karaa, ee deegannada ay ka taliyaan maamulka Somaliland iyo maamulka Bari ee ay kala hoggaanshaan Siilaanyo iyo Faroole si toos ayuu u maamuli jiray.

Marka laga soo tago in ay Qurbaan joogta ah bixin jireen, marka laga soo tago inay dad nool u dhoofin jireen Meles, marka laga soo tago inay u xeraysan jireen had iyo jeer, tii ugu darnayd waxay dhacday markii ay xaflad u dhigeen sanad guuradii uu xilka afgambiyey Meles ee xukunka xoog ku qabsaday, xafladdaa waxaa lagu dhigay Hargaysaiyo Garoowe, waxaana soo qabanqaabshay xubno sarsre oo ka tirsan labada maamul, siday geeridiisii u xiseenna waaba loo joogay!

Dhibka dhacay meel walba ayuu gaaray, madaxda dawladda ugu sarraysa, kuwa maamul beeleedyada ee ka jira wadanka, marka ay is khilaafaan waxaa gogosha u dhigi jiray oo wada hadal siin jiray Meles, aqriste, adi ma tirin kartaa inta Addis loo tagay shir iyo wada hadal? Ani ahaan tiro iska daaye, xitaa laguma qori karo buugga caanka ah ee loogu talagalay waxyaabaha xaddhaafka ama la yaabka ah ee “Guinness World Records”.

Markii hore xerta Meles waxaa lagu sheegi jiray qabqablaayasha, oo habaar iyo haaraan dabada loo qaban jiray, waxaase gadaal uga soo darsoomay wadaaddadii oo dhan walba leh, aan tusaaleeyee, Ahlusunna saw ma ahan Dhal Amxaaro? Yaa unkay? Yaa aas-aasay? Yaa hubeeya? Saw shirkii aas-aaskooda laguma qaban Addis? Hadday is khilaafeenna saw isla Addis laguma wada hadalsiin?

Dhanka kale, “Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed ( Western Somali Liberation Front) (WSLF) ” oo ahayd jabhad lagu tirsho garabka Wadaadada Waallidda waday, oo ku doodi jitray any ku Jihaadayaan maamulka Meles, da’ yartana ku dagaalgalin jirtay waxaan xoraynaynaa Soomaali Galbeed, aakhirkoodii ayagii la xoreeyey, ka dib markii ay isu dhiibeen Meles, taa oo aysan wadaadadii shalay diiddanaa in Soomaalidu wada hadasho aysan waxba ka dhihin “La joojiyaana bannaan, la jiifiyaana bannaan!”.

Xaqiiqdka biya kama dhibcaanka ah yaa ah, in Meles Geeska Afrika ku lahaa culays Siyaasadeed iyo cudud ciidan labadaba, uuna uga faa’iidaystay ugana faa’iideeyey dhanka gurracan, nabad iyo intuu gayiga ku soo dabbaali lahaa xasilooni ayuu dagaallo sii huriyey, qaarkood wuxuu u galay hunguri iyo dabada oo laga riixayey sidii kii Soomaaliya, dabcan marmarsiyo amni oo gaashaan iyo gabbaad ahaa wuu jiray, kan Eretria wuxuu ahaa mid jiritaan iyo maamul sii adkayn ah, waxaanse dhihi karaa labadiiba wuu ku fashilmay, oo mid uu guul ka keenay ma jiro.

Xaqiiqda kale ee biya kama dhibcaanka ah yaa ah, in xer badan gablan noqdeen, waxaad ka garan kartaa erayada tacsida lagu maldahay ee ilaa iminka ka soo baxay kuwan isku sheega madaxda Soomaalida, dhammaan waxay isku raaceen inuu ahaa Geesi, bal aan halkan su’aal dul dhigee, Geesi ma wuxuu ku noqday inuu Soomaali xasuuqay? Ani ma garan, aqriste, adigu ma garanaysaa?

Gablanka gabbalku u dumay ee geerida Meles gabbaadku u jabay, waxaa soo food saari doonta arrimo badan oo wax ka qabasho u baahan, dabcan maamulka Addis wuxuu sheegay inaan siyaasadda Xabashida ee Soomaali ku aaddan inaysan is badalayn, balse, is weydiinta yaa ah: Ethiopia ma waxay gar moodday in maalin walba dagaal iyo yurayn loo taagnaado? Caqligu miyuusan shaqayn? Mise qolo walba xayndaabka hidde ama dhaqan ayeysan ka xoroobi Karin yaa horyaal? Wallee inaan dhib sidan looga gudbayn marna.

Ethiopia Gobol aysan joogin wadanka ma jirto, waxaanba dhihi karaa Degmo aysan koogin, haddaysanba ahayn Tuulo aysan joogin ma jirto, haddana, waxaa la doonayaa in lagaa dhaadhiciyo in Ethiopia walaallo aan nahay ayna u jooogto inay Soomaaliya saaciddo, sidii dalka looga sifayn lahaa Alshabaab iyo Argagxisada, waaba iga su’aale; maxay noo kala dhaamaan Alshabaab iyo Amxaar?.

Marka laga soo tago labada Maamul ee Siilaanyo iyo Faroole, waxaa si weyn saaxada u qabsaday Wadaadada Ahlusunna, bal ila eeg, deegannada ay ka taliyaan maalin aan dagaal Alshabaab ama Maleeshiyaad dhexdooda ah u dhexeeya ama kuwa dawladda ka tirsan ka dhicin ma lahan, ma kula tahay in dagaalladu ujeed la’aan iska dhacaan? Iyada oo waliba  Xabashida ka joogaan ciidan aad u badan, dabcan xoogna leh.

Weydiinta yaa ah, geerida Meles ka dib, siday u dhaqmi doonaan madax ku sheegga Soomaalidu? Ma waxay sii joogtayn doonaan qorshihii ay qaddaamiinta ku ahayeen? Mise isbadal bay la imaan doonaan? Waxaa hubaal in ah in isbadal ku imaan doono Siyaasadda Gobolka Geeska Afrika, sida, qaabka, hannaanka iyo goorta lama saadaalin karo iminka oo wali waa aroor.

Isbadalka laga filayo gobolka, ee ugu horrayn ku dhacay hoggaanka dawladdii aan aaminsanayn inay dhibka Soomaaliya ka masuul tahay, kuma ekaan, sidoo kale, isbaddal ayaa ku yimid hoggaanka DAWLADDA KU MEEL GAARKA AH ee Soomaaliya, marka laga yimaado taa, sidee noqon doonaa haggaanka dalka Meles la’aantiis? Oo dabcan hore u ahaa hindisaha naqshayaal badan oo qaar fashilmeen qaar hirgaleen, qaarna wali qabyo yihiin, aan dhammays tirmin. Waxaa kaloo muhim ah in la ogaado aragtida Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh ka qabo ciidanka Shisheeye gaar ahaan Xabashida.

Dhanka kale, sidee noqon doonaa hanka ku jira dawladda Kenya, oo muddooyinkaan dambe damac xooggan uga jiro sidii ay Soomaaliya qayb weyn uga heli lahayd? Waab taa Shariif eeddaynta ku billowday, ma wuxuu eeday eragii ahaa: “Wadanka la iskama soo gali karo?” mise wax kale ayaa jira?

Dhanka kale, sidee noqon doonaa hoggaankaCiidanka Amisom ee wadanka jooga? Sidee noqon doonaa isu dheellitirka ciidanka iyo wixii qorshe hore loo dajiyey, ee dabcan qaarkood u baahan doonaan in dib loo eego geerida Meles ku timid ka dib?

Midda ugu muhimsan yaa ah, sidee loo maaraynayaa Ciidanka xaddhaafka ee Xabashida wadanka ka jooga, oo dabcan ku yimid damaca dhulfidsiga iyo dhawaqa madaxda Soomaalida uga yimid? Illeen ciidanka marka laga yimaad niyadjabka ku dhacay horay iyo haddaba, waxaa mesha ku jira qarashka ku baxaya iyo lacagta oo aad u badan, oo mar walba ay bixin jireen dawladaha Reer Galbeedka ah.

Inta ka hadashay geerida Meles waxaa ugu liitay saddax mudane, waxaan ugu hormarinayaa mudane Ismaaciil Hurre Buubaa oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ka soo naqday dowladdii Cabdullaahi Yuusuf ee Ethiopia soo gelisay dalka, isagoo sheegay in Males Zenawi uu ku dadaali jiray in Somaaliya aysan yeelan dowlad awood leh, wuxuuna yiri: “Males Zenawi wuxuu ahaa nin cadaw ku ah Somaaliya dhan walba waa kala dagaalamayay dadka Somaalida iyo dalkooda wuxuu diidanaay in Somaaliya ay yeelato ciidan awood leh wuxuuna door bidayay dhismaha maamul goboleedyo kala tagtagsan”

Waxaa xigay Faarax Macalin oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya, oo sheegay in: “Zenawi ayaa masuul ka ahaa dhibaatada Geeska Afrika, gaar ahaan tan Soomaaliya !” wuxuuna sii raaciyey in Meles uu abuuray Alsabaab, balse, taa been buu ku sheegay, oo waxaa jirta warbixin ay soo saartay QM oo lagu sheegay in Kenya ay u horrayso dawladaha hubeeya Alshabaab! Dhanka kale, ma illaabay markuu lahaa: “Kudhaa Muqdisha lagama xakumi doono!”? Wuxuu hadalkan ku taageerayeyduullaanka qaawan ee Kenya ay ku qaadday Soomaaliya iyo riyadii Gaandi ee shaqayn waysay ee ahayd Azaania, aqriste, waxaad sii goobtaa, qormadii ahayd: “Duulaanka Kenya Kasmo la’aan iyo Karti yaraan!”

Mudanaha ugu dambeeya waa mudane Faroole madaxa maamulka Bari, oo si kal iyo lab ah ugu tacsiyeeyey, wuxuu yiri: “Senawi kaliya Ethiopia kama dhiman, wuxuu ka dhintay guud ahaan dhucuubta Afrika iyo Soomaalida, anagana waa naga dhintay..” intaa kuma ekayne, qayldhaan dirsaday, oo yiri: “…Waxaan ugu baaqeynaa raysul wasaare xigeenka hadda xafiiskii la wareegay iyo ragga kale ee la shaqeynaya inay raacaan dhibihii uu jeecay Senawi”

Ugu dambayn, maadaama hoggaan cusub yeelatay Xabashi, hoggaanka cusub ee Soomaaliya yeelatay ma noqon doonaa mid wax tar u leh jiritaanka umadda? Waxaan sugnaaba, waa tallaabada uu qaado madaxweynaha cusub Xasan Sheekh, qaabka uu ula falgalo siyaasaddan cusub.

===============

Writing, to me, is simply thinking through my fingers.Prof.Ibrahim