Topnews:-Sir Culus- Wasiir Guled aabahiis iyo Madaxweyne Garguurte oo wada dhashay ? halka ay walaalo yihiin Wasiirka Xawaadle?

cropped-xoolo.jpg14 December 2013 Warbaahinta ayaa dabagal dheer ku ogaatay in Aabaha dhalay Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Abdikariim Hussein Guled iyo Madaxweynaha Somalia Hassan Mohamud Alasow wada dhasheen .
Xogta waxay xaqiijineysaa in Wasiir Guled Aabahiis Hussein Guled oo loo yaqiin Hussein Biyoole iyo Madaxweyne Garguurte isku hooyo yihiin.

Allaha u naxariistee Wasiir Abdikariim Guled aabahiis Hussein Guled iyo Madaxweyne Garguurte hooyada dhashay waxaa lagu magacaabaa Suuban Sebriye ,waxayna u dhalatay Xawaadle gaar ahaan Raaska Yabar Madaxweyne.
Hussein Guled wuxuu u dhashay Hawiye,Habargidir,Sacad,halka Hassan Garguurte u dhashay Hawiye,Abgaal Waceeysle.
Hussein Guled iyo Hassan Garguurte,waxaa la dhashay oo naas hooyo la nuugay Caruur uu ka mid yahay Shire Cilmi oo u dhashay Hawiye,Xawaadle,Ibrahim Ciise.

Shire Cilmi oo ka mid ahaan jiray Ciidamadii Cirka ,ahna ninkii soo koriyay ee waxbarashada ka bixin jiray Madaxweyne Garguurte waxay walaalo yihiin Wasiirka Kheyraadka Badda Abdirisak Omar Mohamed,taas oo ka dhigan in Madaxweyne Hassan iyo Wasiir Abdirizak walaalo yihiin.
Shire Cilmi oo ku nool Dalka Norway lama oga galaangalka uu ku leeyahay awooda wiilka uu koriyay ee Hassan Mohamud Alasow maadama uu hada yahay Madaxweynaha Somalia.
Hassan Mohamud Alasow wuxuu ku dhashay Xaafadda Howlwadaag ee degmadda Jalalaqsi,wuxuuna yaraantiisii gaari dameer ku wedi jiray Aabahiis oo cuuryaan ahaa ,allaha u naxariistee Sheekh Mohamud Garguurte.
Madaxweyne Hassan Garguurte aabahiis oo Garguuran jiray wuxuu ku geeriyooday Muqdisho kadib markii uu jiiray ama dardaray gaari nuuciisu ahaa Jantadiyeesha xilli uu marayay agagaarka Ansalooti.
Xogtaan waxay muujineysaa in Madaxweyne Garguurte uu Wasiir ka dhigay nin la dhashay iyo mid uu walaalkiis dhalay hasse yeeshee dhinaca kale wuxuu Madaxweynaha Somalia taariikh wanaagsan ku leeyahay kaalintiisii maamulka Machad-ka Simad oo ay ka aflaxeen boqolaal arday Soomaaliyeed.
Madaxweyne Garguurte iyo Wasiir Farah Abdulkadir oo mudo dheer saaxiibo ahaa waxay doorweyn oo taariikhiya ka ciyaareen hergelinta xarumo Waxbarasho inkastoo markii dambe ay ardaydii dhigan jirtay isgooladooda dagaalkii Maxaakiimta iyo Ethiopia geliyeen.
Ardayda la dagaal geliyay waxaa isku khilaafay Kooxda Al Islaax oo maalgelinta ugu badan ee Simad iyo Jaamacada Muqdisho bixisay,waxayna taasi sababtay in kooxda Farah Abdulkadir la baxeen Damu Jadiid oo micnaheedu yahay inay yihiin Dhiiga cusub ee aaminsan in jihaad lala galo Ethiopian-ka.
Fikirka aaminsanaanta xagjirnimada waxay Madaxweyne Garguurte isku qabteen Madaxdii Shirkadda Isgaarsiinta Telecom oo maamule looga dhigay iyo Hay’adii CRD oo ku qanci weysay inuu ka haro arrimaha dhiirigelinta argagixisada.
Saciid Colow iyo Mohamed Qoraxeey oo ahaa ragga iska leh Telcom Somalia waxay Hassan Garguurte ka qaadeen xilkii Maamulaha Shirkadda,iyadoo loo celiyay lacag sida la sheegay uu ka helay Bankiga Islaamka iyo Hay’ado Carbeed ,taas oo qaab saamiya ugu darsaday Telcom Somalia.
Dimbiyada la xiriira dagaal gelintii ardayda kuma koobna Madaxweyne Hassan iyo Farah Abdulkadir hasse yeeshee waxaa la wadaag shaqsiyaad caana oo laga xusi karo Abdullahi Waayeel,Mohamed Nur Gacal,Jamaal Baroow iyo kooxdii ku midoobay dalada Waxbarashada FPens.