War CULUS: Wariye caana oo ka tirsan Idaacada VOA Somali oo Somalida ugu baaqay kacdoon ka dhana Damu Jadiid & R/wasaraha cusub

image

War CULUS: Wariye caana oo ka tirsan Idaacada VOA Somali oo Somalida ugu baaqay kacdoon ka dhana Damu Jadiid & R/wasaraha cusub

– 13 Dec 2013: -Abdullahi Kolombo wuxuu sheegay in Ra’iisulwasaaraha cusub ee Somaliya yahay, nin qayaalad iyo hanti boob ku caanbaxay, sidaas darteedna wuxuu shacabka ugu baaqay inay hurdada ka kacaan oo kacdoon ka dhana Damu Jadiid iyo Ra’isulwasaraha cusub la bilaabo.

Abdullahi Kolombo wuxuu warbixintiisa u qoray sidaan:-

Madaxweyne Garguurte oo si uu dhibaatada Somaliya u sii fogeeyo u habar wacday Ra’iisalwasaare Damu jadiid ah, oo qabyaaladna ay biyo dhigatay

Inta Xasan Garguurte iyo Damu Jadiid ay Somaliya hogaamiyeyaal u yahiin, Somaliya cadaabteedii aduunka, ayay ku qaadaneysaa

Inaan maanta ka hadlo xaalka siyaasadeed ee Somaliya ka taagan, waxaa igu qasbey inaan umadeyda abaalka igu leh uga digo hagar daamada ay falkinayaan kooxda masiirka shacbiga Soomaaliyeed af duubtey ee Damu jadiid

Waxaanan horseed ka noqon doonaa oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayaa, sidii cadowgaas aadka u xun ee Damu jadiid dhibkooda looga suulin lahaa wadankayga aan jeclahay ee Somaliya

Shacbiga Somaliyeedow muddo dheer baad hurdo ku jirteen, waxaa la joogaa xiligii aad gacmaha is qabsan laheydeen, masiirkiinana aad ka tashan laheydeen

Kooxda yar ee Dam Jadiid intey qol isku soo xiraan, ayay shacbigeena sharafta leh ka iibinayaan inay isku qaateen Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasare, tani maaha mid damiirka suuban ee Somaliga uu liqi karo

Somaliyeey sanad ayaad ku aragtaan Damu Jadiid sidey ugu tunteen masiirkeenii ma waxaad sugeysaan in 3 sano oo kale ay dhiigeena jaqaan oo mustaqbalka shacbiga sharafta badan ee somaliyeed ay god dheer ku ridaan

Baarlamaanka sharafta leh ee Soomaliyeed waxaan weeydiisanayaa ineysan codka siinin Ra’iisal wasaaraha cusub si Somaliya ay uga badbaado halis ku soo fool leh.

Ra’iisulwasaaraha cusub ninka uu Garguurte u magacaawday ee Abdiwali Ahmed Mohamud wuxuu ahaa ninkii 1984-kii qoray liis ay ku jiraan arday baran jirtay Jaamacadii Gaheyr qeybta dhaqaalaha,kuna amray maamulkii xilligaas ee jaamacada in ardaydaas isku qabiilka ah dhamaantood jaamacada laga eryo.